The Horn of Africa Center for Strategic and International Studies.

W/Shaqada Iyo Shaqaalaha Soomaliyeed by F. Xiirane

Wasaaraddu waxay kusoo aruurtay hawshii qaranka ee looga fadhiyay eber agtiisa, Wasiir aan lahayn ku xigeen , Wasiir  bishii dhoofa dhawr jeer , Wasiir aan xafiiskiisa tagin  dhawrka casho ee uu Dalka joogo , Wasiir fadhiisiyay shaqadii Agaasimayaasha iyo hawl wadeennada kuna soo aruuriyay Xafiis kiisa oo aan lagu wehelin , Wasiir war iyo waraaq kasta ay isaga Email kiisa oo kaliya kusoo dhacayso , Wasiir aan lahayn ujeeddo fog.

Gabadhaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya xarumaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay inta badan waxay la kulmaan cadaadis looga gol leeyahay in guntiga laga furo, inay shaqadooda waayayaan haddii aysan u nuglaan dhurwaayada ku gaaf meeraya ee doonaya inay awoodda Qaranku leeyahay u adeeg sadaan danahooga guracan ee gaarkaa.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha markuu xafiiska la wareegay bil ka dib ayaa waxaa loo geeyay qorshe lagu dhawrayo sharafka iyo shaqada Hablaha Soomaaliyeed ee sida joogtada ah u dhiban , Wasiirka ayaa mooggaas wax aqoonkii waday qorshaha  u muujiyay soo dhawayn iyo inuu dhaqan galinayo dhawrka asbuuc ee soo foolka leh .

Dhawr bilood ayaa dhinaca maray walina dhibtii waa taagan tahay, Wasiirkuna wuxuu mar walba goobaha la isugu yimaado ka sheegaa inuu u taagan yahay hormarinta , ilaalinta iyo dhawrista xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed , hadaladaas aadka u macaan intooda badan wuxuu ku gudbiyaa Af Qalaad sababtoo ah meelaha uu ka sheegayo waa shirar ay shisheeye maamuus keeda leeyihiin. Dadka uu Wasiirka u yahayse waxaa afkaa yaqaana tiro aan badnayn.

Waxaan la xadhiiday laba Agaasime ka tirsan Shaqada iyo Shaqaalaha oo aanan Magaciise /Magaceeda idiin sheegayn si aan loo baacin , Agaasinkaas wuxuu ii sheegay in shaqada wasaaraddu ay curyaantay siduu Saalax uga tagayna ay noqotay hal Xafiis oo ah kan Wasiirka .

Dhawr iyo toban jeer ayuu Wasiirku balan ku qaaday inuu wax ka qaban doono heer wasaaradeedna loo waajihi doono dhibaatooyinka lagu hayo Gabdhaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya xarumaha guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay , waxay talo uga iba beeshay inay baadi goobaan R/Wasaare Khayrre oo ay la wadaagaan shidada haysata shaqaalaha aadka u yar ee haattan Qaranka iyo Qolyaha gaarka ah u shaqeeya , bacdamaa uu Wasiirkii Shaqaalaha ku mashquul san yahay Dhoof  aan kala joogsi lahayn.

Wasaarad aan lahay ku xigeen iyo  Wasaarad Wasiirkeedu Dibadaha wareegayo danta Dalka iyo Dadka goorma ayay ka shaqayn ?

W/Q F Xiirane

Twitter  @fxiirane

Scroll to Top